1389 Views

Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo dowladda federaalka ku eedeeyay in ay caqabad ku noqotay dhismaha wadada xiriirisa Garoowe iyo Boosaaso Daawo

Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo dowladda federaalka ku eedeeyay in ay caqabad ku noqotay dhismaha wadada xiriirisa Garoowe iyo Boosaaso Daawo
____________________________________________________________________________

April 10-4-2021

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Axmed Jabuuti ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay caqabad ku noqotay dhismaha wadada xiriirisa Garoowe iyo magaalada dakedda leh ee Boosaaso.

Guddoomiye Jabuuti wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya diiday in ay dib ugu soo noqdaan Puntland injineero ajaanib ah oo dhisayay wadadaas, kuwaas oo markii hore u tagay sababo la xiriira Coronavirus.

“Waxaa xaqiiqo ah in dowladda federaalka caqabad ku noqotay dhismaha wadadan oo ay diiday in ay soo noqdaan injineeradii ka shaqeynayay, waxaana markhaati ah gaadiidka gadaasheena yaalla oo ahaa kuwii ay ku dhaqeynayeen howlwadeenadii shirkaddii Shiineyska ahayd ee qandaraaska dhismaha wadada heshay oo xiligii uu caalamka ka dhacay Coronavirus dib ugu noqday dalkoodii” ayuu yiri guddoomiye Jabuuti.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa hadalkan jeediyay shalay mar isaga iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland ay booqdeen aaga ugu halista badan wadadaas oo ah dooxada Midigar oo u dhaxaysa Garoowe iyo tuulada Sinujiif.

Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Nugaal wuxuu sheegay in hadda la qorsheeyay in wadada lagu dhiso isku tashi, maalinta sabtida ahna Garoowe lagu qaban doono shir ay ku baaqeen isimada Nugaal oo dhaqaale loogu uruurinayo wadada, gaar ahaan aaga Midigar.

daawo Warka Gudoomiyaha

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post