891 Views

Sweden oo Soomaaliya u soo dirtay wakiil horay uga soo shaqeeyay Muqdisho iyo gobolka geeska Afrika

Sweden oo Soomaaliya u soo dirtay wakiil horay uga soo shaqeeyay Muqdisho iyo gobolka geeska Afrika
____________________________________________________________________________

.


Talaado: October 19, 2021

  Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo kaga guddoomay Mudane Per Lindgärde, Safiirka Boqortooyada Sweden ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu kulanka socday, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu soo dhoweeyay Safiirka cusub ee Sweden isaga oo u balanqaaday wada shaqay wanaagsan oo dhex marta labada dhinac.

Balal ayaa u rajeeyay inuu ku guuleysto howsha loo xilsaarray si uu hore ugu dhaqaajiyo xiriirka labo geesoodka ee labada dal si ay u yeeshaan iskaashi dhow oo dhinacyo kala duwan leh.

Dhankiisa, Danjiraha Boqortooyada Sweden ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu dalkiisa ku matalo Soomaaliya.

Diblumaasiga ayaa bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isagoo ku nuuxnuuxsaday inuu ku dadaali doono sidii loo horumarin lahaa xiriirkaas si loo gaaro himilooyinka guud ee labada dal iyo labada dad ee saaxiibka ah.

Dowladda Sweden  ayaa 15 Abriil 2021, waxa ay Per Lindgärde u soo magacawday safiirka Soomaaliya ee Muqdisho.

Lindgärde ayaa xilliga la magacaabaayay waxa uu ahaa safiirka Sweden u fadhiya Uganda waxaana uu hore u ahaa safiirka Nigeria.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post