792 Views

Sugidda Amniga Doorashooyinka oo laga hadlay

Sugidda Amniga Doorashooyinka oo laga hadlay
____________________________________________________________________________

 Arbaco: March 2, 2022

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo hoggaaminayey Saraakiil Sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa maanta shir la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ahna Madaxa Hawl-galka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan iyo Saraakiil Sare oo ka tirsan Xafiiskiisa.

kulanka ayaa looga hadlay dhammaystirka iyo xoojinta sugidda amniga doorashooyinka dalka, iyada oo Ciidanka geesiyaasha ah ee Booliska Soomaaliyeed lagu bogaadiyey guushii ay ka xaqiijiyeen sugidda amniga deegaan doorashada Muqdisho, oo la soo gabagabeeyey 25-kii bisha Febraayo.

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post