1044 Views

Sawirro: Tababar ku saabsan la dagaalanka Argagixisada oo Ciidamo Boolis uga socda Turkiga

Sawirro: Tababar ku saabsan la dagaalanka Argagixisada oo Ciidamo Boolis uga socda Turkiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 05, -2019 —Waxaa magaalada Izmir ee dalka Turkiga uga socda Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed Tababar ku saabsan la dagaalanka Argagixisada.

 

Tababarkan ayaa isugu jira burburinta iyo ka hortagga miinooyinka dhulka lagu aaso, baarista goobaha dambiyada ka dhaca iyo howlgalada gaarka ah.

 

Ciidamadan ayaa la sheegay in muddo bilo ah uu tababarka u socday, waxaana ay isugu jiraan qeybo kala duwan oo marba tababaro gaar ah lagu siinayo goobaha buuraleyda magaalada Izmir.

 

Dowladda Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay si weyn uga qeyb qaadaneysay tababarka Ciidamada qalabka sida, waxaana ay boqolaal askari ay ku soo tababartay dalkeeda kuwaasoo isugu jira Ciidamo Boolis iyo Ciidamo Milateriga Kumaandooska.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment