912 Views

Gaashaanle Sare Cabdulahi Cabdi Raage oo ka tirsan Ahlusunnada Guriceel oo dhaawac culus soo gaaray

Gaashaanle Sare Cabdulahi Cabdi Raage oo ka tirsan  Ahlusunnada  Guriceel oo  dhaawac culus soo gaaray
____________________________________________________________________________


Axad: October 17, 2021

Wararka ka imaanaya Gurceel Ayaa sheegaya in Sarkaal Lagu Magacaabo  Gaashaanle Sare Cabdulahi Cabdi Raage oo ka tirsan  Ahlusunnada  ee Guriceel maamusha uu dhaawac culus soo gaarey.

Dhaawaca Sarkaalkaan Ayaa yimid kadib markii gaari uu la socday kula dhacey gaari kale, xili uu ku socdaalayay deegaan koonfurta kaga beegan Guriceel.

Sarkaalkan oo koomo kujira ayaa loo soo qaaday dhaawaciisa guddaha guriceel oo lafilayo in looga sii gudbiyo Isbitaalada kale ee gobolka Galgaduud ku yaala.

Wararka qaar Ayaa sheegaya in Qorshuhu yahay in Loo Soo qaado Magaalada Muqdisho hadii Xal loo waayo Dhaawaca Sarkaalkaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post