471 Views

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Africa oo ka wada hadlay amniga iyo doorashooyinka

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Africa oo ka wada hadlay amniga iyo doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Isniin: February 28, 2022

Cabduqaadir Maxamed Nuur  Jaamac Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, waxaa uu Muqdisho kulan kula qaatay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika Danjire Bankole Adeoye.

Labada Masuul ayaa kulankooda diirada ku saaray Amniga guud ee dalka, kan doorashada iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee (ATMIS), Iyadoo uu Wasiirka Gaashaandhigga uu ugu mahadceliyay Wafdiga dadaalkooda la xiriira sidii dib loogu soo celin lahaa Ammaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.

Wafdigaan shalay soo gaaray Caasimada Muqdisho, ayaa horey kulamo ula soo qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post