564 Views

Golaha Wadatashiga Qaranka oo tallooyin ka dhageystay Ururada Bulshada Rayidka ah

Golaha Wadatashiga Qaranka oo tallooyin ka dhageystay Ururada Bulshada Rayidka ah
____________________________________________________________________________


khamiis: January 6, 2022

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maalinkii 3aad ka socda Muqdisho, uuna shirguddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo ay ka qeyb galeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta Goluhu waxa uu la kulmay Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Haweenka.

Shirka oo looga dooday ajandeyaashii la qorsheeyay ee Doorashooyinka iyo Amniga ayaa la isugu soo noqon doonaa berri oo Khamiis ah.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirka si aad ah looga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo amniga, hufaanta doorashada iyo jadwaleynteeda, kaasi oo si saraaxad leh ay madaxda Golaha uga doodeen.

“Shirka labo qeyb ayuu ahaa, gelinkii hore ee waxa ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ay kulan la qaateen Ururrada Bulshada Rayidka ah, kuwaasi oo ay ka dhageysteen talooyin la xariira gaabisyada ka jira doorashooyinka iyo sida lagu sixi karo, markii uu kulanka dhaamaday Goluhu waxa uu Ururrada Bulshada Rayidka ah u balan qaaday inay tixgelin doonaan soo jeedintooda”. Ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Macallimuu ayaa xusay in shirka maalmaha soo socda ay ka soo bixi doonaan go’aanno dhaxal gal ah, laguna mudeyn doono waqtiga doorashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post