1095 Views

Taliyaha Qeybta Booliska Bari oo kulanka amniga la qatay Taliyahasha

Taliyaha Qeybta Booliska  Bari oo kulanka amniga la qatay Taliyahasha
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 22, 2021

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa kulanka amniga la qatay Taliyahasha Saldhigyada iyo Gudoomiyaasha Xaafadaha Bosaaso si loo dardargaliyo amniga Bosaaso iyo isku xiritaanka Booliska iyo bulshada xafadaha magaladda.

Taliye Xuseen ayaa si wada jir ah warbixino ka dhageystay Taliyaasha Saldhigyada si ay uga warbixiyaan sida ay amniga uga shaqeyeen xaafadihii loo igmaday.

Gudoomiyaasha Xafadaha Bosaaso ayaa Taliska Booliska ku Amaanay wada shaqeynta Buuxda iyo isku xiritaan markii ay u baahdaan laamaha amaanka si ay uga jawabaan cabashoyinka timaada xafadaja ay xukumaan.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ku dhiirigaliyay Sarakiisha iyo gudoomiyaasha Xaafadaha in si dhab ah ay u xaqiijiyaan amaanka oo bulsha markii ay la soo xiriraan ay uga jawabaan.

Taliyaha ayaa u mahadceliyay Bulshada Bosaaso kuna amaanay sida ay ugu xiran yihiin laamaha amaanka Gobalka Bari isagoona ugu baaqay in intaas ay ka badiyaan oo ay soo shegaan sharwadaha dhibateenaya amniga si ay gacan biri ah ugu qabtaan Booliska.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post