954 Views

Xaaf oo ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay doorashada Galmudug

Xaaf oo ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay doorashada Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 09, 2019 —Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay u tartamida doorashadda Madaxtinimada maamulka Galmudug,islamarkaana uusan ka mid noqon doonin Musharaxiinta.

 

Xaaf ayaa sheegay in Galmudug xilliggaan ay wajaheyso Xaalad adag oo u baahan in lala shaqeeyo shaqsigii loo doorto Madaxweynaha Galmudug, islamarkaana aan la mucaaradin.

 

Waxaa uu sheegay in Mucaaradka iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay lugaha ku dhageen labadii Sano ee uu ahaa Madaxweynaha Galmudug isagoo sheegay in uu waxbadan ka qabtay dhanka dib u heshiisiinta.

 

Hadalka Madaxweyne Xaaf ayaa yimid xilli maalmihii ugu dambeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu ka mid noqon doono Musharaxiinta xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug.

 

Madaxweyne Xaaf ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ka dib markii uu heshiis la gaaray dowladda dhexe ee Soomaaliya oo Muddo dheer uu khilaaf kala dhaxeeyay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment