1290 Views

Falcelin ka dhalatay fashilka ku yimid dhex-dhexaadintii Farmaajo & Rooble

Falcelin ka dhalatay fashilka ku yimid dhex-dhexaadintii Farmaajo & Rooble
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 24, 2021–Tan iyo markii ay soo baxday inay fashilmeen kulamada lagu dhex-dhexaadinayay Madaxweynaha .uddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida.

Falcelinta ka dhalatay kulamada dhex-dhexaadinta ah ee fashilmay ayaa waxaa intooda badan eeda dusha laga saaray Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Siyaasiga Cabdiraxmaan  Cabdishakuur Warsame oo si dhow ula socday kulamada dhex-dbexaadinta ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn ee uu Farmaajo ka lahaa ay aheyd xagal saacinta kiiska ikraan, isla markaana uu doonayo in uu kasoo kabsado sidii deg dega aheyd ee xilkii looga qaaday Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

” Ujeedka ugu wayn ee uu Farmaajo ka lahaa wadahadalka waa in kiiska Ikraan la xagal daaciyo, waqti la iibsado, si uu uga soo kabto filasha waagii xilka looga qaaday agaasimihii hore ee NISA, iyo in la hakiyo dardarta RW ee gacan ku haynta hay’adaha amniga. Dad badan ayaa is waydiinaya muxuu ku diiday tanaasulkii uu Rooble sameeyey. Wuxuu doonayey in uu kalsoonida ka dilo dadka uu Rooble magacaabay, loona tusiyo in uu ka tegi karo ayuu yiri” Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Farmaajo uusan aheyn Nin tanaasula, waxaana uu ugu baaqay mas’uuliyiinta dhex-dhexaadinta wada inay cadeeyaan mowqifkooda, wuxuuna sidoo kale uu ugu baaqay Midowga Musharixiinta , Maamul Goboleedyada & Beesha Caalamka inay doorashada ku garabbistaagaan  Ra’iisul Wasaaraha.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin ayaa sheegay in waan waantii uu wax ka waday Madaxweynaha Galmudug ee uu ogolaaday ay wax ka socon waayeen Madaxweyne Farmaajo.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay Wasiir Fiqi in ay muhiim tahay in aan waqti dambe lagu lumin musharax quus ku sii dhow oo raba talada dalka inuu rahmad isaga haysto, isla markaana  RW Rooble ay la gudboon tahay in waqtigiisa uu siiyo doorashada , Lana bilaabo doorashada golaha shacabka, sanduuquna uu noqdo garsooraha musharixiinta.

Khilaafka ka dhashay kiiska maqnaanshaha Ikraan Tahliil ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble ayaa weli taagan, kaas oo saameeyay Hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post