981 Views

khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa

khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa
____________________________________________________________________________


Sabti: September 25, 2021

Waxaa saacadihii la soo dhaafay soo baxayay in uu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa oo salka ku haya doorashada labada kursi ee ka harsan Aqalka Sare ee ka imaanaya Hirshabeelle.

Kulamo dhacay xalay ayaa guuldaro kusoo dhamaaday mar kale, iyadoo wax xal ah laga gaarin khilaafka labada kursi.

sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ayaa la sheegay in uu dalbaday in loo xiro mid kamid ah labada kursi ee harsan taas oo uu ka biyo diiday madaxweyne Cali Guudlaawe.


Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post