369 Views

Scotland oo sare u qaadaysa dadaalka ay uga go’eyso UK

Scotland oo sare u qaadaysa dadaalka ay uga go’eyso UK
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 10, 2022

Hoggaamiyaha dowladda Scotland ayaa Axaddii sheegtay inay xoojin doonto ololaha ay Scotland uga saareyso UK, xitaa haddii looga guuleysto kiis yaalla Maxkamadda Sare oo ay ku dooneyso ogolaanshaha afti loo qaado madax-banaani.

Wasiirka koowaad ee Scotland Nicola Sturgeon ayaa dooneysa in aftida la qabto October 2023 hase yeeshee dowladda Conservative-ka ay hoggaamiyaan ee London ayaa tiri maya.

Maxkamadda Sare ee Britain ayaa lagu wadaa inay Talaadada dhageysto haddii maamul goboleedka Scotland uu abaabuli karo cod madax-banaani ayada oo aysan ogoleyn dowladda London.

Sturgeon, oo hoggaamisa xisbiga Scottish National Party ayaa sheegtay in haddii dowladdeeda fadhigeedu yahay Edinburgh ay ku guuldarreysato kiiska maxkamadda, ay doorashada xigta ee UK ka dhigi doonto afti ku saabsan dhameynta saddex qarni oo Scotland ay la mideysneyd England.

Ma bixin faah-faahin ku saabsan sida ay taasi u shaqeyn doono. Cod-bixin la qabto ogolaansho la’aanta dowladda UK ma noqon doonto mid sharci ah.

Sturgeon ayaa tiri in haddii maxkmadda ay xanibto aftida “waxaan kiiskeena horgeyn doonnaa shacabka marka la gaaro doorashada ama waxaan ka tanaasuli doonnaa dimoqraadiyadda Scotland.”

“Waxay noqon doontaa xalka ugu dambeeya. Ma doonayo inay heerkaas gaarto. Waxaan doonayaa afti sharci ah,” ayey tiri.

Scotland iyo England ayaa siyaasad ahaan mideysnaa tan iyo 1707. Scotland ayaa tan iyo 1999 laheyd baarlaman iyo dowlad u gaar ah, waxayna si gaar ah u dejineysay siyaasadaheeda caafimaadka bulshada, waxbarashada iyo arrimo kale. Dowladda UK ee London ayaa maamusha arrimaha difaaca iyo miisaaniyadda.

Cod-bixiyayaasha Scotland ayaa natiijo ah 55% iyo 45% ku diiday afti madax-banaani oo la qaaday 2014, taasi oo loo arkay fursad naadir ah.

Dowladda ay hoggaamiso Sturgeon ayaa ku doodeysa in ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub iyo cudurkii Coronavirus ay wax ka beddeleen siyaasadihii iyo dhaqaalihii, islamarkaana la joogo waqtigii lagu laaban lahaa kiiska madax-banaanida.

Cod-bixiyayaasha Britain ayaa si dirqi leh ku ansixiyey 2016 aftidii Brexit, hase yeeshee kuwa ku nool Scotland ayaa si xooggan ugu codeeyey inay kusii jiraan Midowga Yurub.

AP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post