786 Views

Galmudug oo kala dirtay guddi qaabilsanaa dhismaha golayaasha degaanka

Galmudug oo  kala dirtay guddi qaabilsanaa dhismaha golayaasha degaanka
____________________________________________________________________________

June 1/2021

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa kala diray guddi qaabilsanaa dhismaha golayaasha degaanka maamulkaas kadib markii khilaaf kala dhexgalay guddiga.

Wareegto ka soo baxday wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Galmudug ahna ku-simaha wasiirka ayaa lagu kala diray guddiga farsamada dhismaha golayaasha degaanka degmooyin ka tirsan Galmudug.

Kala dirista guddiga ayaa loo cuskaday kadib markii uu dhammaan waayay khilaafka dhex-dooda ah kaas oo ku salaysan hannaanka loo marayo dhismaha golayaasha degaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post