1107 Views

Golaha Amniga Itoobiya, oo ku eedeeysay dalal in ay ka shaqeynayaan inay khatar geliyaan xasilloonida dalka Itoobiya

Golaha Amniga Itoobiya, oo  ku eedeeysay dalal  in ay ka shaqeynayaan inay khatar geliyaan xasilloonida dalka Itoobiya
____________________________________________________________________________

April 24-2021

Golaha Amniga Qaranka ee Itoobiya, ayaa ku eedeeyay dalalka caalamka qaar in ay ka shaqeynayaan inay khatar geliyaan xasilloonida dalka, iyagoo sheegay in cadaadiskasta oo la saaro uusan ka hor istaagidoonin buuxinta Biyo-xireenka Al-Nahda iyo qabashada doorashooyinka dalka.

Bayaan ka soo baxay Golaha Amniga Qaranka Itoobiya, ayaa lagu sheegay in cadaadisyada gudaha iyo dibaddaba ay ka shaqeynayaan sidii ay waddanka u gelin lahaayeen dagaallo iyo fowdo.

Kulan ay yesheen Golaha Amniga Qaranka ee Itoobiya oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa lagu sheegay in cadaadis kasta oo la dul dhigo ay fulin doonaan howsha buuxinta labaad ee biyo xireenka Al-Nahda ee wabiga Niil, iyaga oo sidookale digniin u diray wax ay ku tilmaameen fara galin shisheeye.

Tani ayaa imaaneysa xilli Washington ay Jeffrey Feltman, u magacaawday ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, iyadoo la sheegay in arrinka Biyo-xireenka Wabiga Niil  uu qeyb ka yahay waxyaabaha mudnaanta leh ee uu ka shaqeeyn doona ergaygaan cusub ee Mareykanka uu u soo magacaabay Geeska Afrika.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post