795 Views

AMISOM oo sheegtay in howlgal ku qabteen Xubno ka tirsan Al-Shabaab

AMISOM oo sheegtay in howlgal ku qabteen Xubno ka tirsan Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 19 2021–Taliska Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen Gobolka Shabeellaha Dhexe Ciidamada Burundi ay ku qabteen dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo weeraro kala duwan ka fuliyay Gobolkaas.

Howlgalka oo ay ku wehlinayeen Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa laga sameeyay inta u dhaxeysa degaannada Gololeey iyo Qalimow oo hoostaga degmada Balcad, waxaana AMISOM ay sheegtay in Xubnaha Shabaab ay qabteen ay ku wareejiyeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Ciidamada AMISOM ee  Burundi oo saldhigoodu yahay Gololey & Ceel-gelow ayaa  hawlgal wada jir ah ay la sameeyeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, Tiro ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa la qabtay laguna wareejiyay Taliska Booliska Soomaaliyeed si ay baaritaan dheeraad ah ugu sameeyaan ayaa lagu yiri” warka kasoo baxay AMISOM.

Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay in ujeedka howlgalka uu ahaa in la ogaado dhaq dhaqaaqyo ay Al-Shabaab ka wadeen wadada xiririisa Magaalooyinka Balcad & Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Guutada 3-aad Qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka gaashaanle Sare Abshir Maxamuud Maxamed Shataqeey oo goor siihoreysay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay dhankiisa in howlgalka lagu dilay madaxii  qaraxyada Gobolka Shabeellaha dhexe u qaabilsanaa  Al-Shabaab.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Balcad & Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro lagu dilay askar iyo Saraakiil Ciidan,waxaana ugu dambeeyay qarixii lagu dilay Yaasiin Cabdi Tooxow oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Millateriga Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post