786 Views

Gudoomiye degmo oo Muqdisho lagu jirdilay

Gudoomiye degmo oo Muqdisho lagu jirdilay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 25-2020–Ilaaladda Aqalka dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa jirdilay u geystay Gudoomiyaha degmada Wartanabada Saynab Maxamuud Warsame Sidda Risaala ay u xaqiijiyeen xubno ka mid ah maamulka degmada Wartanabada.

Saynab ayaa la sheegay in jirdilka loo geystay uu sababay in Isbitaal ku yaalla Muqdisho loola cararo, islamarkaana dhaqaatiirta isbitaallada ay sheegaan in xaaladdeeda aysan wanaagsaneyn.

Jirdilka ayaa ka dhacay Afaafta hore ee Aqalka dowladda Hoose ee Muqdisho ka dib markii ay isku dhaceen Ciidamada Ilaaladda Gudoomiyaha iyo sidoo kale Ilaaladda xarunta gobolka Banaadir.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Askariga ka mid ah Ilaaladda gobolka uu ku garaacay Gudoomiyaha qoriga Liifkiisa, islamarkaana uu jiro jabniin dhanka feeraha ah.

Gudoomiye Saynab ayaa hal sano ka hor Sanadkaan oo kale ku dhaawacantay Qaraxii ka dhacay Xarunta gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post