1020 Views

Jowhar oo caawa lagu soo gabagabeeyey doorashada xubnaha Aqalka sare

Jowhar oo  caawa lagu soo gabagabeeyey doorashada xubnaha Aqalka sare
____________________________________________________________________________


isniin: October 4, 2021

  Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa sheegaya in caawa lagu soo gabagabeeyey doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ku metelaaya maamulkaas, waxaana la doortay laba kursi oo ka dhimaneed 8-da kursi ee laga soo doorto deegaanada HirShabeelle.

Labada kursi ee Jowhar lagu doortay kan koowaad waxaa ku soo baxay Senator Cali Shacbaan Ibraahim, halka kan labaad ay ku soo baxday Senator Zamzam Cabdullahi.

Cali shacbaan Ibraahim ayaa kuso baxay kursiga 7-aad isaga oo ka guuleystay Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir iyo Cabdalla Cabdi Xuseen. Cali Shacbaan ayaa wareega 3-aad uga adkaaday Xanafi isaga oo helay 62 Cod, halka uu musharax Cabduqaadi Xanafi Sheekh Bashiir uu helay 24 cod.

Kursiga 8-daad ayaa waxaa ku soo baxday Senator Zamzam Cabdullahi, waxaana kursigan maalmihii dambe ka taagnaa muran xoog leh, waxaana ugu dambeyn loo xiray dumarka, iyadoo inay u tartamaan laga reebay labo musharax oo rag ah.

Zamzam Cabdullahi ayaa codad aad u badan wareegii koowaad uga guuleysatay Naciimo Ibraahim oo horay kursigaan ugu fadhisay, waxayna Naciimo heshay 8-cod oo kaliya, halka Zamzam ay ku soo baxday 77-cod

Sidoo kale Xubnaha dhiman gaar ahaan Jubbaland iyo Galmud ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la doorto, haatana waxaa dooran Xubno gaaraya ilaa 48.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post