1113 Views

Aqoon isweydaarsi ku saabsan ka faa’iideysiga Teknoolejiyada casriga ah oo lagu qabtay Jaamacadda Benaadir

Aqoon isweydaarsi ku saabsan ka faa’iideysiga Teknoolejiyada casriga ah oo lagu qabtay Jaamacadda Benaadir
____________________________________________________________________________

Waxaa maanta xarunta Kambaska Ibraahim Caddow ee Jaamacada Benaadir lagu qabtay aqoon isweydaarsi ku saabsanaa ka faa’iideysiga Teknolojiyada casriga ah kaasoo ay soo qaban-qaabisay Kuliyadda Computer Science and IT ee Jaamacadda.

Aqoon isweydaarsigan oo ay ka faa’iideysteen qaar ka mid ah ardayda wax ka barata Jaamacada Benaadir ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay, masuuliyiin ka tirsan Jaamacadda, aqoonyahano iyo xubno kale.

Eng. Cali Maxamed Cumar oo ka mid ah  aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku taqasusay culuunta Teknolojiyada ayaa si faahfaahsan uga hadlay sida ay u howlgalaan Mishiinada casriga ah ee sida caaqilka ah u shaqeeya sida noocyadooda kala duwan ee robotyada, gaadiidka keligood iswada iwm.

Cali Maxamed Cumar waa Khabiir muddo dheer ka soo shaqeeyey Shirkadda caalamiga ah ee IBM ee xarunteedu ku taalla magaalada New York taasoo soo saarta qalabka Tiknolojiyada iyo Mashiinada caaqilka ah.

“Teknolojiyada casriga ah waxaa laga gaaray maanta heer aan la rumeysan karin, saameyn kala duwana yeelatay, taasoo loo baahan yahay inaan mar kasta la jaanqaadno” ayuu yiri Eng. Cali Maxamed Cumar.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay Eng. Cali Maxamed Cumar in mashiinada caaqilka ah ee la soo saaray ay fududeeyeen howlo badan oo waqti dheer uu ku bixi jiray, hase ahaatee ay la yimaadeen dhibaatooyin kale oo ay ka mid tahay dad badan oo ku shaqo beelay, taasoo buu yiri loo baahan in xal loo helo.

Eng. Cali Maxamed Cumar ayaa si saraaxad leh uga jawaabay su’aalo ku saabsanaa mowduucan oo ay weydiiyeen qaar ka mid ah ardayda ka faa’iideysatay aqoon isweydaarsigan, wuxuuna khabiirku ardayda siiyey talooyin muhiim ah oo la xiriira sida ay ula fal geli lahaayeen teknolojiyada casriga ah ee horumarka sameyneysa sanadba sanadka ka dambeeya.

Guddoomiye Ku-xigeenka dhinaca Waxbarashada ee Jaamacadda Benaadir ahna Hormuudka Kuliyadda Computer Science and IT ee Jaamacadda Eng. Khaliif Muuse Warsame oo gebagebadii aqoon isweydaarsigan ka hadlay ayaa uga Mahad celiyey Eng. Cali Maxamed Cumar sida uu waqtigiisa qaaliga ah ugu huray inuu ardayda Jaamacada uga faa’iideyo qeyb ka mid ah aqoontiisa.

“Eng. Cali Maxamed Cumar waxaa uu ka hadlay waxyaabo badan oo ay muhiim tahay in maanka lagu hayo, maadaama Teknolojiyada caalamka ay sameyneyso horumar xawaare dheer ku socda” ayuu yiri Eng. Khaliif Muuse Warsame oo dhinaca kale ku dheeraaaday muhiimada iyo faaiidada uu ardayda u leeyahay ka qeyb galka kulamada noocan ah si looga faa’ideysto dadka ahlu Cilmiga ah, waxaana aqoon isweydaarsigan uu ku soo gebagoobay jawi aad u wanaagsan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post