666 Views

Warbixin cusub oo muujineysa in tirada dadka qaba dhiigkarka ee adduunka oo dhan ay labanlaabantay

Warbixin cusub oo  muujineysa in tirada dadka qaba dhiigkarka ee adduunka oo dhan ay labanlaabantay
____________________________________________________________________________

 Arbaco: August 25, 202

Warbixin cusub ayaa muujineysa in tirada dadka qaba dhiigkarka ee adduunka oo dhan ay labanlaabantay soddonkii sano ee la soo dhaafay balse waxaa warbixinta ku jira in waddamada dakhligoodu hooseeyo ay aad u sii korortay maadaama waddammada hodanka ah ay inta badan xakameeyeen.

Xogta, oo ka timid daraasaddii ugu weyneyd ee dhiig -karka oo ay sameeyeen Ururka Caafimaadka Adduunka iyo Kulliyadda Imperial ee London, ayaa sidoo kale muujineysa in ku dhawaad ​​kalabar dadka qaba dhiig -karka aysan ogeyn inay qabaan.

Warbixintu waxay ku boorinaysaa dawladaha inay mudnaanta siiyaan wacyigelinta sidoo kalana ay sare u qaadaan sidii lagu heli lahaa dawooyinka dhiig karka oo raqiis ah, si looga hortago cudurka loona badbaadiyo nolosha dad badan.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post