5382 Views

Dowladda Kuwayt Oo Xayiraadda Ka Qaaday Xoolaha Laga Dhoofiyo Somalia

Dowladda Kuwayt Oo Xayiraadda Ka Qaaday Xoolaha Laga Dhoofiyo Somalia
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 10, 2018—Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha ee dalka Kuwayt  waxay soo saartay Go’aano xayiraadda looga qaaday Lo’da, Idaha, Ariga, iyo Kalluunka  laga soo dhoofiyo Somalia iyo 6 waddan oo kale.

Wargeyska Al-anbaa ee ka soo baxa dalka Kuweyt ayaa qoray in Xayiraadda laga qaaday Hilibka Lo’da, Ariga, Idaha, Kalluunka iyo Hilibka Shimbaraha ee laga kala keeno dalalka Somalia, Kenya, Gambiya, Zambia, Zimbabwe, Algeria iyo Hindiya.

Go’aanka waxa lagu xusay in Xoolaha nool ee laga keenayo Somalia iyo dallalka kale lagu xiray Shuruud ku aadan inay xaalladahooda waafaqsan yihiin Xaalladda

Caafimaadka Xoolaha ee ku cad  Ururka Caalamka ee Caafimaadka (OIE), gaar ahaan Cutubkiisa 8.8 ee cudduradda Afka iyo Cagaha ee ku dhaca Xoolaha.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment