1017 Views

Madaxweynaha Somaliland oo digniin kasoo saaray dagaal Beeleedyada

Madaxweynaha Somaliland oo digniin kasoo saaray dagaal Beeleedyada
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 30-2020Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in xilliyada qaar ay deegaananda soomalailand ka dhacaan colaad beeleedyo sababo khasaaro kala duwan,kuwaas oo uu sheegay inay dhibaato ku tahay dadka Shacbaka ah.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliland ay leedahay dhul ballaaran oo dadka ku fulin ku filan,isla markaana dadka looga baahan yahay inay ka guuraan khilaafka ka dhashay dagaal beeleedyada una gudbaan nabadda iyo Qaranimada.

Soomaaliland ayuu sheegay in marnaba ogolaan doonin colaad beeleedyada iyo dadka dhulalka isku heysta,sidoo kalena Soomaaliland ay ka hortageyso wax kasta oo keeni kara amni darro.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay muhiim tahay in khilaaf kasta oo yimaada in wada-hadal lagu dhameeyo oo aan loo bedelin hab qabiil taasi oo uu sheegay inay sahli karto nabad lagu wada noolaado.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowr jeer deegaano ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag ay ka dhaceen Colaad Beeleedyo soo laab laabtay, kuwaas oo dhasheen khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post