315 Views

Bandhigga Guulaystayaasha Soomaaliyeed oo ay so agaasintay Hormuud Telecom oo maantay ka furmay magaalda Muqdisho

Bandhigga  Guulaystayaasha Soomaaliyeed oo ay so agaasintay Hormuud Telecom oo maantay ka furmay magaalda Muqdisho
____________________________________________________________________________

.

Arbaco: OCTOBER 19, 2022

Munaasabad ay si heer sare usoo agaasintay shirkadda Hormuud telcom looguna magac daray Guulaystayaasha Soomaaliyeed oo ay kasoo qeyb galeen madaxda gobolka banaadir, rugta ganacsiga, maamulka sare e shirkada hormuud, culamaa’udiin ganacso, haweenka, dhaliyarada iyo dhamaan macaamiisha shirkada hormuud telecom ayaa manta lagu qabtay hoolka sahal ee magaalda Muqdisho.

Munaasabada oo socon doonta mudo laba maalmood ah ayaa waxaa daahfuray gudoomiyaha shirkada hormuud telecom Axmed Maxmuud Yuusuf asagoo faahfaahiyay aasaaskii shirkada hormuud iyo shirkadaha ka farcamay ee hoos yimaada.

Bandhigaan ayaa inta uu socdo waxaa lagu so bandhigi doonaa dood cilmiyeedyo xiiso badan, khudbado dhaxal gal ah, waxaana goobta ka hadlay bahda waxbarasha, bahda caafimaadka, ganacsatada, aqoonyahano iyo culamaa’udiinka somaliyeed.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga Maxamuud Cabdikariin Gabeyre oo ka hadlay munaasabada ayaa ku dheeraaday hormaradii ay shirkada hormuud wadanka gaarsiisay sidoo kalana sheegay in ay weyb weyn ka qaadatay dhismaha wadanka.

Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka qeyb ahaa martida ayaa shirkada hormuud telecom ku amaanay mudadii 20-ka sano eheeyd ee ay usoo dhabar adeegtay xaaladihii adkaa ee uu wadanka soo maray.

sanadkan oo ku beegan 20 sano guurada aasaaska shirkadda Hormuud Telecom ayaa shirkaddu waxay xil gaar ah iska saartay in la agaasimo munaasabad lagu bogaadinaayo shakhsiyaadkii iyo hay’adihii u soo dhabar adeegay guushana usoo hooyey dalkooda wixii ka danbeeyey burburkii dowladii dhexe ee Somalia.

bandhigaan ayaa inta uu socdo waxaa lagu so bandhigi doonaa bandhig carweed  ay ka qeyb qaadanayan dhamaan shirkadaha kala duwan ee hoos yimaada shirkada Hormuud telecom  iyaga oo soo bandhigi doona adeegyo cusub, sameyn doona qiimo jabin, qaban doonana waqtiyaanasiiib qofkii ka qeyb gala uu fursad u heli doono inu ku guuleysto Maayfaayo, xirmooyin internet iyo waxyaabo  kale oo qaali ah sida moobiladii ugu danbeeyey ee iphone iyo Samsung.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post