897 Views

DFS oo shaacisay waqtiga iyo halka lagu qabanayo doorashada Galmudug

DFS oo shaacisay waqtiga iyo halka lagu qabanayo doorashada Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 24, 2019 –War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda soomaaliya ayaa lagu sheegay inay dhamaatay waqtiga xilheynta ee Madaxda Galmudug,isla markaana dhawaan la qabanayo doorashada Galmudug.

War-Saxaafadeedka ayaa lgu sheegay in doorashada Galmudug la qabanayo 4-da Bisha soo socota ee July ee sanadkaan 2019 iyo in doorashadaas lagu qabanayo Magalada Madaxda Maamulka Galmudug ee Magalada Dhuusamareeb.

Warqada kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaaliya ee lagu sheegay in doorashada lagu qabanayo Magalada Dhuusamareeb  iyo tan Madaxweyne Xaaf oo ah inay ka dhaceyso Magalada Cadaado ayaa waxaa ay weli u muuqataa in uu jiro khilaaf Siyaasadeed oo aan Isfahan laga gaarin.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment