771 Views

Khasaaraha ka dhashay weerarka ka socda Xerada Xalane iyo Al-shabaab oo ka hadasha

Khasaaraha ka dhashay weerarka ka socda Xerada Xalane iyo Al-shabaab oo ka hadasha
____________________________________________________________________________


Arbaco March 23, 2022

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyad weerarkaan waxa ay Warbaahintooda ku sheegeen in ay beegsadeen mid kamid ah Baraha laga hubiyo Gaadiidka u gudba Xerada Xalane oo saldhig u ah AMISOM, Safaarado iyo xafiisyada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Qoraalka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar uu ku billawday “qarax lagu beegsaday Kontoroolka Madina Gate, qaraxaas kaddib dagaal toos ah uu dhexmaray Ciidamada goobta ku sugan iyo dagaalamayaashooda”.

Weli dagaal culus ayaa ka socda xerada Xalane ee Muqdisho, waxaana la sheegay in ay gubanayaan kaalin shidaal, iyo xarumo kale oo ku yaala gudaha xerada Xalane.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in weerarka ilaa iyo hadda la ogyahay in ay ku geeriyoodeen 3 qof, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kaas oo la xiriira dagaalka haatan ka socda gudaha xerada Xalane.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post