546 Views

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Saraakiisha Hay’addaha Ammaanka

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Saraakiisha Hay’addaha Ammaanka
____________________________________________________________________________

Talaado: March 8, 2022

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Amniga Puntland, Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Puntland.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Amni ee Puntland, gaar ahaan dhacdooyinkii u dambeeyay oo ka dhacay magaalooyinka maamulka.

Madaxweynaha ayaa faray Ciidamada Puntland  ka shaqeynta Amniga, xoojinta dagaalka Argagixisada iyo adkaynta Amniga Gudaha iyo dibadda  Puntland maadaaa lagu jiro marxalad Doorasho.

“Masuuliyiinta Amniga iyo Saraakiisha Ciidamada ee Puntland, ayaan maanta kulan la qaadanay, waxaan ku boggaadiyay shaqada wanaagsan ee ay dalka iyo dadka u hayaan” ayuu yiri Madaxweyaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post