555 Views

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Liberia oo xukun lagu riday

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Liberia oo xukun lagu riday
____________________________________________________________________________

Sabti: January 29, 2022

Maxkamadda sare ee Liberia, ayaa amartay in Brownie Samukai oo ahaa wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Liberia, lagu xukumo labo sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay kiis musuq-maasuq ah.

Samukai iyo laba kamid ah saaxiibadii ayaa lagu soo edeeyay laba sano ka hor falal isugu jiro xatooyo ah iyo dhaqidda lacag faalso ah oo gaaraya Hal Milyan oo dollar.

Horay ayaa Raggan loogu xukumay labo sano oo ganaax ah iyo in ay dib u soo celiyaan kala bar lacagtaasi muddo lix bilood gudahood, hase yeshee fulinta amarkaas way ku guuldareysteen.

Garsooreaha Maxkamadda sare ee Liberia ayaa go’aamiyay in seddexdan muwaaddin madaama ay fuliwaayeen go’aankii hore ay tahay in hadda ay dib u soo celiyaan dhammaan lacagtii  lagu xukumay, mudadaasna lagu sii haayn doona  xabsiga.

Brownie Samukai ayaa muddo dheer soo ahaa wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi gaar ahaan xilligii madaxweynihii hore ee Ellen Johnson Sirleaf.

Siyaasigan ayaa Sannadkii hore waxaa loo doortay senatar ka tirsan kowntiga Lofa, balse kiiska musuq-maasuqa ah ayaa ka hor istaagay inuu kursigiisa qabto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post