783 Views

RW Rooble oo safar deg deg ah ku tegay Xerada Balli-doogle

RW Rooble oo safar deg deg ah ku tegay Xerada Balli-doogle
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 03, 2021–Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray xerada Bali-doogle ee gobalka Shabeelaha Hoose , isaga oo u kuurgalaya howlgalada ciidanka Xoogga Dalku ay wadaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Xubno la socda ayaa waxaa ay gaareen Xerada Xerada Ciidamada Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga  Ra’iisul Wasaaraha oo ka ambabaxay magaalada muqdisho ayaa ujeedkooda waxaa uu u yahay inay u kuurgalaan xaalada Ciidamada ku sugan Xerada maadaama dhawaan Ciidamada Mareykanka ee xeradaas ku sugan ay ka baxayaan.

Ra’iisul WasaareRooble ayaa haatan waxaa uu kulan la leeyahay Saraakiisha Ciidamada mareykanka uu tababaray eek u sugan Xerada Ciidamada ee Balli-doogle, iyaga oo ka wada hadlaya sida lag yeelayo Ciidamada iyo fulinta howlgallo maadaama ay Ciidamada yihin kuwo uu Mareykanka tababaray.

Wararka kusoo kordha kala socda www.radiorisaala.com

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post