702 Views

Askari Armenian ah oo shalay lagu dilay dagaal dhex maray ciidamada Azerbaijan

Askari Armenian ah oo shalay  lagu dilay dagaal  dhex maray ciidamada Azerbaijan
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 15 2021

Askari Armenian ah ayaa shalay  lagu dilay israsaaseyn ay la galeen ciidamada Azerbaijan, sida ay xaqiijisay dowladda dalkaasi, waana isku dhicii ugu danbeeyay ee dhexmara labada dal tan iyo dagaalkii sanadkii hore ee gobolka ay ku muransan yihiin ee Nagorno-Karabakh.

Wasaaradda Difaaca Armenia ayaa sheegtay in askariga lagu dilay xuduudda u dhexeysa labada dal, iyadoo ku eedeysay Azerbaijan in ay rasaas oodda kaga qaaday ciidankeeda, oo iyana jawaab ka bixiyay. “Dhinaca Azerbaijan, waxay iyana la kulmeen khasaaro,” ayay wasaaraddu sheegtay.

Laakin Baku ayaa sheegtay in ciidamada Armenia ay rasaas ku fureen meel u dhow dhulka Nakhichevan ee Azerbaijan ayna dhaaweceen askari ka tirsan ciidankeeda.

Dayrtii la soo dhaafay ayay ciidamada Armenia iyo Azerbaijan ku dagaalameen gobolka ay ku muransan yihiin Nagorno-Karabakh, dagaalkaasi oo galaaftay nolosha 6,500 oo qof, waxaana lagu soo afjaray heshiis ay Russia garwadeen ka ahayd kaasi oo ay Yerevan ku weysay dhul ay maamuleysay toboneeyo sano.

Xiisadaha u dhexeeysa Baku iyo Yerevan ayaa cirka isku sii shareerayay tan iyo bishii May, markaasi oo Armenia ay ku eedeysay militariga Azerbaijan in ay ka gudbeen xadka koofureed si ay “go’doomiyaan” haro ay labada dal wadaagaan.

Baku iyo Yerevan ayaa labaduba soo tabiya in rasaas goos-goos ah ay mararka qaar ku dhexmarto xadka ay wadaagaan.

AFP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post