783 Views

Sheekh Shariif oo ku wajahan Jowhar

Sheekh Shariif oo ku wajahan Jowhar
____________________________________________________________________________

 Sabti: April 30, 2022

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Midowga musharixiinta Madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta ku wajahan Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, xili halkaas lagu wado in lagu qabto doorashada saddex kursi.

Ujeedka safarka Sheekh Shariif ayaa la sheegay inuu salka ku hayo u tartamida mid ka mid ah kuraas maanta doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Jowhar, isagoo ah musharax Xildhibaan.

Sheekh Shariif ayaa qorsheenaya inuu u tartamo doorashada kursiga HOP#146, kaas oo uu hore ugu fadhiyay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ay deegaan doorashadiisu tahay magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guddiga maamulka doorashada Hirshabeelle ayaa maanta qabanaya doorashada kuraasta kala ah: HOP#141, HOP#146 iyo HOP#135.

Kuraastaas saddexda ee la qabanayo doorashadooda waxaa ku tartamayo musharixiin dhowr ah oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post