945 Views

Lafta Gareen oo Baydhabo ku qaabilay saraakiil ka socotay howl-galka AMISOM iyo UK

Lafta Gareen oo Baydhabo  ku qaabilay saraakiil ka socotay howl-galka AMISOM iyo UK
____________________________________________________________________________

April 21-2021

Wararka ka imaanaya magaalada baydhabo ayaa sheegaya in  Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,  Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) uu halkaas ku qaabilay saraakiil ka socotay howl-galka AMISOM iyo Ingiriiska, kuwaas oo sidoo kale ka qeyb-galay shirka golaha amniga maamulkaasi oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ah saraakiil ka tirsanaa ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga ee ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed.

Intii socday kulankan ayaa waxaa lagu soo qaaday xaaladaha ammaanka ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo sidii sare loogu qaadi lahaa howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale qaar ka mid ah saraakiisha ammanka oo warbixin laga dhageystay ayaa xusay inay labo jibaareen inta lagu guda jiro bisha Ramadaan howl-gallada lagu sugayo amniga.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post