2244 Views

Maamulka Jubbaland oo war ka soo saaray khilaafka kala dhaxeeya DFS

Maamulka Jubbaland oo war ka soo saaray khilaafka kala dhaxeeya DFS
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 1, 2018 – Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shir Jaraa’id Maanta ku qabtay Kismaayo ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Madaxda Maamulkaas iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in aragtida Madaxda Jubbaland uu yahay qaran Soomaaliyeed oo guuleysta iyo in la xoojiyo Hay’adaha Dowladda oo ay ugu horeeyaan Dowlad Goboleedyada balse nasiibdaro ay jirto isfaham la’aan.

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyey in hadii khilaafka dowladda iyo dowlad goboleedyada aysan micnaheedu aheyn inay la-dagaalamayaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxa uu soo hadal qaaday soo celintii Garoonka Kismaayo Saraakiishii ay Jubbaland ka soo celisay,waxa uuna sheegay in ka hor magacaabistaas ay cabasho u gudbiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkiisa Jaraa’id Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo aad u dheeraa ayaa waxa u sidoo kale kaga hadlay banaanbaxyadii dhawaan ka dhacay deegaano ka tirsan Jubbaland.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli Maalinta Isniinta ah ee soo socota lagu wado in Magalada Kismaayo ay shir ku yeeshaan Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment