717 Views

Dab baabi’iyay Beero ku yaalla Gobolka Mudug

Dab baabi’iyay Beero ku yaalla Gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 20 2020–Maamulka Deegaanka Wisil ee Gobolka mudug ayaa faahfaahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay Dab xooggan oo qabsaday Dhul beereed badan oo ku yaallaa Deegaankaasi.

Wararka laga helayo Deegaankaasi ayaa sheegaya in ku dhawaad 20 beerood ay gubteen Xoolana waa ku dhinteen, sida ay warbaahinta Qaranka Soomaliyeed u sheegeen maamulka wisil ka dib markii Dab xooggan ka dhashay Deegaanka Maraadheere oo ka mida deegaanada Hobyo hoos yimaada.

Guddoomiyaha Deegaanka Wisil Cali Xasan oo Warbaahinta Qaranka la hadlaayay ayaa baaq u diray Hay’adaha, Dowladda Somalia iyo Maamul Goboleedka Galmudug inay ka jawaabaan dhibaatada Hantiyadeed ee soo gaaray muwaadiniinta Soomaliyeed ee ku dhaqan Deefaankaasi,

Qaar ka tirsan Beeralaydii khasaaruhu soo gaaray ayaa iyana dhibkooda ka waramay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post