1131 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kusii jeedda Dooxa

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kusii jeedda Dooxa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 1,, 2019  –Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow u ambabaxay magaalada Doxa ee dalka Qatar, safarkan ayaa ahaa mid aan horay loo sii shaacin.

 

Sida wararku sheegayaan Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa socdaalkiisa lagu sheegay inuu la xiriiro kulamo uu la qaadan doono Madaxda dalka Qatar, isagoo kala hadli doono arrimo ku aadan taageerada Qatar siiso Soomaaliya iyo xiriirka labada dal.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ra’iisul Wasaaraha uu kala hadlayo Mas’uuliyiinta Qatar, sidii loo fulin lahaa mashaariic ay horay u balan qaaday dowladda Qatar, kuwaasoo aanay weli waxba ka hirgelin.

 

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Ra’iisul Wasaaraha kala hadlayo arrimo ku saabsan taageerida Ciidamada iyo balanqaadyo horay dowladda Qatar ugu sameysay qalabeynta iyo tababarka Ciidamada Qalabka sida.

 

Xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Qatar ayaa ahaa mid aad xoogganaa labadii sano sano ee ay jirtay dowladda Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay aheyd taageeraha ugu weyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tiro afar jeer safr ku tagay magaalada Doxa, halka Madaxweynaha isna dhowr jeer booqday.

 

Qatar ayaa la sheegaa in sanadihii u dambeeyay ay hakisay taageero dhaqaale oo ay bille siin jirtay dowladda Soomaaliya, dhaqaalahaas ayaa ahaa mid dowladda u adeegsan jirtay arrimo siyaasadeed, balse waxaa ay taas bedelkeed ay Qatar balanqaaday in kabi doonto Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan, iyadoo ku deeqday lacag gaareysa 20 million oo dollar.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment