1488 Views

Jabriil Xaashi oo ka hadlay khilaaf soo kala dhexgalay Jaaliyadda Soomaalida Nunspeet [WARAYSI]

Jabriil Xaashi oo ka hadlay khilaaf soo kala dhexgalay Jaaliyadda Soomaalida Nunspeet [WARAYSI]
____________________________________________________________________________

Sebti, 22 Mey [Qaranimo Online] Jabriil Xaashi oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida, kana tirsan Jaaliyada Magaalada Nunspeet, ee waddanka Holland ayaa sheegay in Jaaliyadoodu ku kala qaybsantahay qorshe sida uu sheegay dusha lagaga keenay, lana doonayo in Jaaliyada lagu kala qeybiyo.

Jabriil Xaashi, oo waraysi bixiyay saaka, ayaa ku nuuxnuuxsaday in Jaaliyada Nunspeet inteeda badan ay ka hortimid qorshe uu watay Guddoomiyaha ururka KARDO, qorshahaas oo uu Jabriil ku tilmaamay mashruuc qof keligii uu ku muraad-qunsanayo [one man NG0],  isaga oo xusay  in ay soo dhoweynayaan wixii waxtar u leh jaaliyadda, hasse ahaatee ay ka soo horjeedaan in rag jaaliyada ka tirsan loo soo dhexmaro in magaca Jaaliyadda lagu daneysto.

“Aniga iyo qaar ka mid ah jaaliyada Nunspeet waxaan ka soo horjeenaa, iskana diidnay in qof keligii oo urur wata, inta uu dusha inagaga yimaado, isagoo xoolo doon ah, indhaheena oo 5ta ah inuu hay’adihii Magaalada daganaa dhaqaale kaga qaato dadka xaafadda dagan ayaan caawinayaa, annaguna aan u sacbino. Guddoomiyaha KARDO waxaan ku niri: walaaloow haddaad ina caawineyso soo dhowoow, laakiin waxaan rabnaa in ururka aad magaciisa wax inoogu dalbeyso uu noqdo urur magaaladeena ka dhisan, haddii laga maarmi waayo in ururkaasi uu kaaga noqdo raali ka noqon mayno inta inaad keligaa qol la gashid Gemeentiga, waxaan dooneynaa fadhiyada aad Gemeentiga la yeelaneyso in ay kugu wehliyaan dad jaaliyada ka tirsan oo annaga aan iska dhex soo xulanay” Ayuu yiri Jabriil Xaashi oo faahfaahinayay waxa uu ku saleysan yahay khilaafka jaaliyada soo kala dhexgalay, isaga oo intaasi ku daray in ay ixtiraamayaan xubnaha kale ee jaaliyada ee ka aragti duwan, haddana iyagu ay la tahay in aysan qarsan fikirkooda.

“Magaalada waxaa dagan dad luqada & shuruucda aad u yaqaan, maxaa keenay in Guddoomiyaha KARDO keligii uu albaab kasta garaaco, oo qol isula xiro qolyaha dhaqaalaha ku bixiya in dadka la caawiyo.? Maxaa u diiday inuu hebel, hebel & hebel goob joog noqdaan .? siddeed igaga dhaadhicin kartaa in Magaaladii aan daganaa aan adiga oo Gobol kale ka yimid marti kaaga noqdo, weliba adigoo ay ii muuqda waxa ku soo kiciyay in aysan ahayne Soomaali jecele ee ay wax kale tahay” Ayuu yiri Jabriil.

Jabriil, waxaa la weydiiyey waxa u ku jabay haddii iyagu ay inta isu yimaadaan wax sameysaan waayeen, sababta ay ku diidayaan ciddii kale ee wax u sameyneysa, waxaana uu yiri.

“Waxaa jira nin walaalkeen ah oo Stichting Magaalada u sameeyey, iyada oo uu [process] kii howsha lagu billaabi lahaa inoo socdo, ayuu ninkan odayga ah qorshahan ula yimid rag saaxiibadiis ah”

Jabriil, waxaa kale oo uu sheegay isaga oo ixtiraamaya ragga saaxiibadiis ah in ka gaabsadeen tillaabooyin kale oo ay qaadi lahaayeen, ayna ka dhur-sugayaan waxa ka soo baxa shirka ay yeelanayaan toddobaadka soo socda.

“Waxaan aad u ixtiraamayaa aragtida saaxiibadeena, waxyaabihii dhacay waxaan ka yeelanay dood adag, annaga oo ka fogaaneyna in jaaliyadu kala qeybsanto, waxaan talo ku goosanay in qaar jaaliyada ka mid ah ay shirkaa maanta ka qeybgasho, inteena kalena aan bannaanka ka joogno, toddobaadka soo socda na jaaliyadu isu timaado, kana shirto dhacdooyinkii u dambeeyey & sidii loo sixi lahaa waxyaabihii innaga qaldamay” Ayuu yiri Jabriil Xaashi.

Jabriil, mar kale, wuxuu sheegay in aanu jirin cid uu nacayb gaar ah u qaba, haddana ay waajib ku tahay in isaga & saaxiibadii ay muujiyeen aragtidooda, isla markaana ay talo ku yeeshaan waxa ka dhacaya Magaaladii ay daganaayeen.

“Ma qabno nacayb qof gaar ah. Guddoomiyaha KARDO waa walaalkeen, haddana ma qaadan karno in isagu keligii socdo annagu aan iska daba galno, waxaan u baahanahay wax cad oo aan caruurteena & xaasaskeena ka dhaadhicin karno, caqligeenu wuu diiday in na lagu yiraa, Gemeentiga keligeey baa tegaya, wixii dhaqaale ee lagu yaboohayna aniga keligeey ayaa maamulaya, adiguna sandareerto yar baan idin siinaya aad macmacaan ku soo sameysaan, annagu taas caqligeenu wuu diiday, ciddii qaadaneysa na waa yeelkeed” Ayuu yiri Jabriil Xaashi.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post