1011 Views

Wargeyska NYT Oo Qoray Inay Hayaan Cod Muujinaya Inay Qatar Ku Lug Lahayd Qarax Ka Dhacay Bosaaso

Wargeyska NYT Oo Qoray Inay Hayaan Cod Muujinaya Inay Qatar Ku Lug Lahayd Qarax Ka Dhacay Bosaaso
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 23, 2019 —Cadadkii shalay ee Wargeyka The New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay Warbixin ku aadan Cod Telefoon la sheegay inay is-dhaafsadeen Danjiraha Qatar u jooga Somalia, Ambassador Xasan Bin Xamza Haashim iyo Ganacsade la sheegay inuu aad ugu dhow yahay Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani, waa sida uu Wargeysku qoray.

 

Wargeyska waxa uu tilmaamay in qaraxii ka dhacay magaalladda Bosaaso bishii May ee sannadkan in lala xiriirin karo Loolanka Danaha ee Dowladaha Qatar iyo Imaaraadka ee ku aadan Gacan-ku-haynta Maamulka Dekedda Bosaaso, waa sida uu Wargeysku ku muujiyey Warbixintiisa.

 

Wargeyska waxa uu qoray inay Imaaraadka iyo Qatar ahaayeen ubucda dagaalka Somalia labadii sanno ee la soo dhaafay, isla markaana ay Hub ama Tababar Milliteri siiyaan kooxaha Soomaalida iyo inay Laaluushaan Saraakiisha Maxaliga iyo Tartanka Qandaraasyadda  ay ku maamuli lahaayeen Dekedaha ama Kheyraadka Dabiiciga ee Somalia, waa sida uu qoray Wargeyskaasi.

 

Warbixinta The New York Times waxaa kaloo lagu xusay inay heleen Cod Telefoon oo la soo duubay, oo ay Danjiraha Qatar u jooga Somalia iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka Qatar kaga wada hadleen Qarixii bishii May ee sannadkan ka dhacay magaalladda Bosaaso.

 

Ganacsadaha oo magaciisa lagu sheegay Khalifa Kayed Al-muhanadi waxa uu Danjire Xasan Bin Xamza Haashim ku yiri: “Qaraxyadda iyo Dilalka, waan og nahay kuwa ka dambeeya”.

 

Codka Maqalka ee uu Wargeyska The New York Times sheegeen inay heleen waxaa kaloo lagu xussay inuu Ganacsadahaasi sheegay inay Maleeshiyadda qaadeen Qaraxyadii Boosaaso, si loo horumariyo Danaha Qatar, ee  meesha looga saarayo dalka Imaaraadka ee ay xifaltamaan.

Codadka Telefoonka ee la duubay waxaa kale oo la sheegay inuu Ganacsadaha kaga hadlay Qandaraaska Shirkadda DP World ee maamusha Dekedaha Bosaaso iyo Berbera, wuxuuna Wargeysku qoray inuu Ganacsadahaasi sheegay inuu qof ka mid ah qaraabadda Madaxweynaha Somalia uu isaga la jiro, isla markaana la rajeynayo in Qandaraasyadda Shirkadda DP lagu wareejin doono Qatar, waa sida uu Wargeysku daabacay.

 

Codka Telefoonka ee uu Wargeyska soo bandhigay ayaa la sheegay in la duubay bishii May 18-dii, hal isbuuc kadib qarixii ka dhacay magaalladda Bosaaso.

 

Wargeyska waxa uu Warbixintiisa ku muujiyey in Hay’ad Sirdoon oo Shisheeye oo mucaarad ku ah Siyaasadda dibedda ee Dowladda Qatar ay duubeen ama rekoodh-gareeyeen Wada-sheekeysiga Telefoonka ee ay ku wada hadleen Danjiraha Qatar u jooga Somalia iyo Ganacsadaha jaalka dhow la ah Amiirka dalkaasi.

 

Dhinaca kale, Wargeyska The New York Times waxa uu qoray inay xiriir la sameeyeen Danjiraha Qatar u jooga Somalia, Ambassador Xasan Bin Xamza Haashim,  kaasi oo beeniyey inuu aqoon u leeyahay Ganacsadaha Khalifa Kayed Al-muhanadi, ka hor inta uusan Danjiraha  jarin Wicitaanka Wareysiga  lala yeeshay.

 

Wargeyska waxa kale oo uu qoray inay la xiriireen Ganacsadaha Al-muhanadi, kaasi oo sheegay inuu Danjiraha  ahaayeen saaxiibo xilligii ay Iskuulka wada dhigan jireen.

 

Ganacsadaha waxa kale oo uu xusay inuu yahay shaqsi hawlgab iyo Gnacsade ah, isla markaana uusan wakiil u ahayn wax Dowlad ah.

 

Xafiiska Isgaarsiinta ee Qatar oo War-saxaafadeed u diray Wargeyska The New York Times waxa lagu sheegay inaysan Dowladda Qatar faragelin ku samaynin arrimaha Gudaha ee dalalka madaxa bannaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment