1011 Views

Yusuf Garaad oo ka hadlay Khudbadii uu jeediyay Sheekh Shariif

Yusuf Garaad oo ka hadlay Khudbadii uu jeediyay Sheekh Shariif
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 23-2019 —Yuusuf Garaad Cumar Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka falceliyay Khudbadii saameynta laheyd uu maanta jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

 

Sheekh Shariif ayuu sheegay in uu yahay Madaxweyne hore, islamarkaana dowladda laga doonaayo in aysan dhayalsan Hadalkiisa oo abuurikara saameyn bulsho.

 

 

 

“Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed waxaan hadalkiisa u arkaa mid dib u dhac horseedi kara oo aanay ahayn in la sahashado. Wax ma dhimi karo dad baa leh. Laakiin ma dooneyo in taas la isla gaaro.Ma ahan in la dheyelsado mana ahan in looga sii daro’ ayuu yiri Yuusuf Garaad.

 

Waxaa uu dowlada dhexe ee Soomaaliya uu ugu baaqay in ay xaliso Khilaafka cusub ee ka dhashay xayiraada la saaray Madaxweyne Shariif.

 

“Waxaan Dowladda ugu baaqayaa, ayada oo danta guud ka eegeysa, in ay xalliso khilaafkaan oo ah mid markii horeba laga baaqsan karay”ayuu yiri Garaad.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment