1839 Views

Xildhibanada Maamul Goboleeedka Puntland oo ka jawabay codsigii shacabka.

Xildhibanada Maamul Goboleeedka Puntland oo ka jawabay codsigii shacabka.
____________________________________________________________________________

Somalidu waxay tiraahdaa – Dadxume ninkii ku yiraa, Dadlaawaa la yiraa!                   .

Muqdisho | QOL | January 10, 2019 – Sida lawada ogyahay shacabka Somaaliyeed ee ku nool Maamul goboleedka Puntland ama (dhulkii uduga) waxay codsi u direen Xildhibanada soo xuli doono BARASAABKII HOGAAMIN LAHAA Puntland 5-ta sano ee soo socota, waxayna Codsadeen in ay Xildhibanada soo xulaan shaqsi wax tar u leh Shacabka, Gobolka iyo Somali wayn, waxaana soo baxday Jawaabtii ay sugayeen Reer Puntuland iyo Somali wayn, kadib markii la doortay Dr, Saciid Deni, oo shaqsi u qalma hogaalka Golka.

Xildhibanadii u codeyey Dr. Saciid waxay fariin Cad u direen dhamaan Siyaasiyiinta Somaliyeed, taasi oo cadayn u ah in aan loo dulqadan doonin in ay Xukunka ku sii raagaan kuwa Dhagaha ka furaystay Cabashada Shacabkooda, raba Xilka loo dhiibay in ay ku Danaystaan, iyagoo ilowbay waajibaadka ka saaran Dadka iyo Dalka.

Mar aan wax ka waydiyey dorashadii Shalay qaar ka mid ah shacabka Muqdihsu, waxay yiraahdeen.

  1. Waxaan helnay kalsooni ay noo mijiyeen xildhibanada, intii laga gaarayo Hal qof iyo Hal cod, waayo xildhibanadii shalay codeyey waxay ka jawaabeen codsigii shacabka Putuland iyo Somali wayn.
  2. Waxaa na dhibay Qilaafka joogtada ah ee ragaadiyey Nabadii iyo Horumarkii Dalka,
  3. Waxaa na dhibay Gobolaysi aan guul iyo Gacal toona lahayn, cabsi iyo colaad joogta ah.
  4. Waxaa na dhibay Faragelin shisheeye aan Iskaashi lahayn, midnimadiina kala daadisay noqdayna mid lagu faano shisheye wal waalka.
  5. Waxaa na dhibay mooshin aan Macnahiisa la aqoon iyo mucaarad aan la aqoon meesha ay u socdaan iyo mowqifkooda Siyaasi.

Hadaba, waxaa mudan in la iswaydiiyo, Barasaab SACIID DENI ma wuxuu noqon doonaa NAQ uda’ay Reer Puntuland iyo Somaali wayn, si loo gaaro Horumarka iyo Nabada la rajaynayo, mise wuxuu noqon doonaa mid soo kordhiya Culays iyo Xasilooni dari joogta ha.

 

War iyo dhamaan, waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa Xildhibaanadii ka jawabay Codsigii shacabka, fariinta culusna u diray Siyaasiyiinta caadaystay Boobka Hantida shacab, u adeegida Cadowga Dalka iyo Dalka iyo abaabulida Coladaha sokeeye ee joogtada ah.

Barasaab Saciid, waxaan u soo jeedinayaa talooyinkan.

  1. Kudadaal Sugida Amniga iyo Cadaalada,
  2. Kudadaal ilaalinta Hantida Dowlada iyo shacabka .
  3. Waa in aad keentaa mashaariic shaqo abuur ah, si dhalinyarada looga badbaadiyo Tahriibka iyo Ficilada Xun ee ay galaan.
  4. Waa in aad sharci adag ka soo saartaa Ajaanibta ka shaqaysa Gobolka, waayo waxay shaqa la’aan dhigeen Shacabkeena.
  5. Waa in aad samaysaa Xarumo lacag la’aan ah oo lagu baro Xirfado shaqo abuur ah dhalinyarada Gobolka.
  6. Waa in aad si joogta ah u bixisaa Mushaarka Ciidamada, si ay u sugaan Amniga shacabka, Gobolka iyo Dalka, waana in kor looqaadaa Xirfadooda aqooneed.
  7. Waa in aad Gacan adag ku qabataa shaqsi kasta ee isku daya in uu Qalqal geliyo Nabada iyo Xasiloonida Gobolka.
  8. Noqo mid ka shaqeeya Xasiloonida iyo midnimada Somaaliyeed, ka digtonow dhagarta cadowga Somaaliyeed.
  9. Noqo mid kula shaqeeya Dowlada Dhexe Wadaniyad, Kalsooni iyo ilaalinta sharciga iyo Nidaamka dowladnimo.
  10. Noqo mid isu keena Dowlada Dhexe iyo Barasaabyada Dalka, si loo gaaro Xal lagu bad baadiyo Dalka iyo Dadka.
  11. Ku daal in aad soo celiso waxbarashadii lacag la’aanta ahayd, si loo yareeyo cabashada waalidiinta dan yarta ah.
  12. Ku daal in aad ku salayso Aqoon iyo Daruufaha dhaqaale ee jira CANSHUURTA laga qaadayo Shacabka.
  13. Mar hadii aad masuul tahay kala Dooro Tariikh Fiican iyo mid Xun, waayo waxaad haysaa Saldanad muhiim ah oo lagu mutaysto Amaan iyo Dhaliil.

Shacbka reer Puntland waxaan lee yahay madaama laga jawaabay codsigiina, la shaqaeeya Maamulka cusub oo ku yimid rabitaankiina, idinkoo ku taageeraya wixii horu mar ah, kana diidaya wixii dhib ku jiro.

Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa Hogaamada dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ku dhiiri geliyey Xildhibanada in ay ka jawaabaan Codsiga Shacabka, anigoo sigaar ah ugu mahadcelinaya SANATAR Cabdiraxmaan Faroole oo muu jiyey Dadaal leh Geesinimo leh iyo Dal jacayl.

 

 

 

.

.

W/Q Cumar Farax

Qaranimo Online, Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment