909 Views

Xasan Sheekh Maxamuud: “Doorashada waa in la qabtaa si uu dalka u hoggaamiyo qofka loo doorto

Xasan Sheekh Maxamuud: “Doorashada waa in la qabtaa si uu dalka u hoggaamiyo qofka loo doorto
____________________________________________________________________________


Talaado: November 9, 2021

Madaxweynihii hore ee Soomaalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la dardargeliyo qabsoomidda Doorashada Dalka oo ka dib dhacday waqtiga loo ballamay in ay ku qabsoomto, waxa uu bogaadiyay in dedaallada socda.

Xasan ayaa sheegay in kursiga uu hanayo qofkii mudan hoggaaminta Dalka, waxa uu madaxda Muddo xileedkoodu ka dhammaaday ugu baaqay in ay ku dhiiradaan qabashada Doorashada haddii ay markale ku guuleystaan lagu taageerayo.

Madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu u taagan yahay xilka Madaxweynaha haddii uu ku guuleysto diyaar u yahay u adeegidda Shacabka haddi laga guuleysatana uu garab taagan yahay madaxweynaha la doorto sida uu hadalka u dhigay.

“Dalka waxaa lagu heshiiyay in afartii sanno mar doorasho dhacdo, Kursiga Madaxweynaha waa mid kawada dhaxeeya guud ahaan Soomaalida, balse ma aha in uu qof iska joogo, islama qaadan in uu qof iska fadhiyo meesha” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Waa uu sii hadlay Madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana uu soo jeediyay in la muujiyo isku kalsoonaan si meesha looga saaro daaha doorashada ku yimid sida uu hadalka u dhigay.

“8-dii Febaraayo 2017-kii waxa aan Madaxtooyada kasoo kacay aniga oo ah Madaxweyne balse habeenkii waxa aan laabtay aniga oo aan ahayn Madaxweyne, ma aha in la isku dhajiyo, ilaalinta qawaaniinta ayaa muhiim ah” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post