3195 Views

Agaasimiha Guud Ee Wasaaradda Cadaalada Soomaaliland Oo Is Casilay

Agaasimiha Guud Ee Wasaaradda Cadaalada Soomaaliland Oo Is Casilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 21, 2018 –Waxaa Goordhow ku dhawaaqay in uu is casilay Agaasimihii Guud  Wasaarada Cadaaladda Soomaaliland Xuseen Maxamed Maxamuud.

Agaasimaha ayaa ka mid ahaa Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ee booqashooyinka ku maraya deegaanada Bari ee Soomaaliland.

Shir Jaraa’id uu Maanta ku qabtay Magalada Burco ayuu ku sheegay in uu iska casilay xilkii Agaasimiha Guud ee Wasaarada Cadaaladda Soomaaliland.

Sababaha is casilaadiisa ayuu ku sheegay cadaalad daro uu ka tirsanayo Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,waxaana Maanta loo diiday inuu ka hadlo Xaflad Xariga looga jarayay Xabsi laga dhisay Magalada Burco.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi weli kama hadlin is casilaada Agaasimihii Guud  Wasaarada Cadaaladda Soomaaliland waliba ka mid ahaa Xubnaha ku wehliya Safarka uu ku kala bixinayo Gobolada Bari ee Soomaaliland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment