933 Views

Jubbaland oo shuruud adag ku xirtay ka qeyb galka doorashada Soomaaliya

Jubbaland oo shuruud adag ku xirtay ka qeyb galka doorashada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Sabti: 13/2/2021

Maamulka Jubaland ayaa sii adkeeyey shuruudda ay ku xireen doorashada Soomaaliya ee la xiriirtay gobolka Gedo, oo ay isku hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna Jubbaland shaacisay inay ka qeyb geli doonin doorasho hadii aan lagu wareejin dhammaan deegaanada gobolka Gedo.

Wasiirka warfaafinta ee Jubaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo ka qeyb galay dood ay qabatay BBC ayaa yiri, “Xaq waxaan u leenahay oo September 17 lagu gooyay in aan annagu mas’uul ka nahay doorashada qeybta ka dhaceysa Jubaland.”

“Madaxweynaheennu mas’uul kama noqon karo meel uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qabsaday, oo xitaa intaan u tanaasulnay aan dhahnay Gedo inteeda kale dib u heshiisiinta dambe ha gasho ee Garbahaareey aan guddoomiyihii iyo 100 wiil oo boolis ah keenno, oo uu diiday, oo ay dheheen ka tanaasula, oo uu subixii dambena soo duulay, markaasaad leedihiin dalka yaan caqabad la gelinin” ayuu yiri.

Wasiir Cabdi Xuseen oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Annagu waxaan taagan nahay… haddaan idiin sheegayaa, Gedo oo dhameystiran oo aan lasoo celinin, wax doorasho ah oo ay jubaland galeyso ma jirto. Haddaan idiin sheegayaa, waa go’aanka aan leenahay, 60 maalmood gudahood haddii aan lagaga qaadin ciidamada oo aanan maamulka Jubbaland gacantooda lagu soo celinin wax doorasho ah oo aan galeyno ma jirto.”

Dhowr shir oo ay madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada Soomaaliya yeesheen ayaa caqabadihii ugu waaweynaa ee la isku mari waayay waxaa ka mid ahaa maamulidda gobolka Gedo.

Wararka kasoo baxayay shirkii ugu dambeeyay ee shantii bishan ku fashilmay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegayay in mar kale la isku mari waayay arrinta Gedo oo soo noqnoqtay.

Hase yeeshee dad badan oo isha ku haya khilaafka doorashada Soomaaliya waxay rajo ka qabeen in shir kale oo uu ku dhawaaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xal looga gaadho khilaafka doorashada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post