243 Views

Ruushka iyo Pakistan oo ka wadahadlay sidii loola shaqayn lahaa xukuumadda Taliban

Ruushka iyo Pakistan oo ka wadahadlay sidii loola shaqayn lahaa xukuumadda Taliban
____________________________________________________________________________

`Khamiis: January 26, 2023 

 Ruushka iyo Pakistan ayaa wadahadal ay yeesheen Arbacadii, waxay ku sheegeen baahida loo qabo “in si wax ku ool ah” loola shaqeeyo ururka Taliban ee ka taliya dalka Afghanistan, hase ahaatee waxay meesha ka saareen in aqoonsi rasmi ah la siiyo hoggaamiyayaasha islaamiga ah, illaa ay wax ka qabanayaan walaacyada caalamiga ah ee laga qabo, xuquuqda haweenka iyo weliba inay soo dhisaan maamul loo dhan yahay.

Ergeyga Ruushka u qaabilsan Afghanistan, Zamir Kabulov ayaa hoggaaminayey wefti ka socday Ruushka oo wadahadal kula yeesha Islamabad, masuuliyiinta Pakistan, wuxuuna masuuliyiinta Pakistan uga warbixiyey kulamadii uu horraantii bishan kula yeeshay Kabul, masuuliyiint ururka Taliban.

Ilo wareedyo sarsare oo Pakistani ah ayaa u sheegay VOA in Kabulov uu sheegay in Moscow ay sii wadayso la macaamilka ururka Taliban, balse “xilligan lagu guda jiro” aanay ka fikiraynin inay aqoonsi rasmi ah siiso hoggaamiyayaasha Afghanistan.

Ilo-wareedyada ayaa ka soo xigtay ergayga Ruushka inuu “kula taliyay” masuuliyiinta Taliban inay u dhaqaaqaan sidii ay u yagleeli lahaayeen dhismaha dawlad loo dhan yahay, iyo xal u helaan amuurana la xidhiidha xakamaynta haweenka, isagoo sheegay, in haddii aan sidaas la helin, inaanu jiri karin in sharciyad caalami ah la siiyo dawladnimadooda, sidoo kalena aanu dalka Afghanistan ka heli doonin adduun weynaha taageero la taaban karo.

Bayaan kooban oo ka soo baxay dawladda Pakistan ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay xoogga saareen [baahida] loo qabo, in si dhab loola shaqeeyo xukuumadda ku meel gaadhka ah ee Afghanistan.

Ila wareedyada ayaa sheegay in Pakistan ay sheegtay inaanay ka fikiraynin inay haatan aqoonsi rasmi ah siiyaan ururka Taliban, balse ay tallaabadaas kala siman yihiin beesha caalamka.

Warbixintan waxaa qoray Ayaz Gul

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post