1275 Views

Dab Khasaaro geystay ka kacay Goobo Ganacsi oo ku yaalla Walanweyn

Dab Khasaaro geystay ka kacay Goobo Ganacsi oo ku yaalla Walanweyn
____________________________________________________________________________

DMogadisho | QOL October 08, |  2020—abkaan oo geystay khasaaro hantiyadeed ayaa waxaa uu ka kacay Kaalin Shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla Suuqa Hoose ee degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana uu ku fiday goobo Ganacsi oo ku dhegan Kaalinta.

Dadka ku nool degmada Walanweyn iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada ayaa waxaa ay sameeyeen dadaal farabadan oo lagu deminaayay dabka, maadaama degmada aysan laheyn wax dab demis ah,waxaana dadbka oo geystay khasaaro hantiyadeed ay ku guuleysteen in xalay saqdii dhexe ay demiyaan.

Dad ku sugan degmada Walanweyn ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in Goobo Ganacsi oo hanta farabadan taallay uu dabka saameeyay,isla markaana muddo ka badan Afar Saacadood ay qaadatay in dabklaasi la demiyo maadaama degmada Walanweyn aysan laheyn Gaari dab demis ah.

Magaalooyin badan oo dalka kamid ah ayaa waxaa mararka qaar ka kaca dab geysta khasaaro hantiyadeed, iyada oo ay jiraan degmooyin badan oo aan laheyn Gawaarida dab demiska, taas oo keenta in hanta farabadan uu dabka baabi’iyo.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post