1413 Views

Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo lagu dhawaaqay

Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo lagu dhawaaqay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 13, 2019 —Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka galmudug waxaa ka dhacay kulan looga hadlayay dhinaca Amniga,kaas oo ay ka qeyb galeen saraakiil ka tirsan Ciidamada qaybta 21-aad saraakiisha Ciidamadii Ahlusunna balse lagu biiriyay kuwax oogga dalka iyo saraakiil kale.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay sidii Ciidamada xoogga dalka qeybta 21aad ay howlgalla ka dhan ah dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab uga fulin lahaayeen deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka xoogga  dalka Cabdicasiis Cabdulaahi cabdi (Qooje)ayaa sheegay in ay u diyaarsan yihiin inay fuliyaan howlgal ka dhan ah Shabaab oo laga sameeyo deegaannada Galmudug, isaga oo u mahad celiyay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Maamulkii Ahlusunna ee ku biiray galmudug.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment