1365 Views

Dowladda Somalia Oo War Ka Soo Saartay Weerar Ciidamada Kumaandoosta Ka Fuliyeen Sh/Hoose

Dowladda Somalia Oo War Ka Soo Saartay Weerar Ciidamada Kumaandoosta Ka Fuliyeen Sh/Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jan 05  2019 —Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya oo taageero Millatari ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa xalay Saqdii dhaxe Howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellada Hoose.

Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa jiray dagaal xoogan oo dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo taageero ka helayay kuwo Mareykanka,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay jirtay duqeyn diyaaradeed.

Saraakiil ka tirsan Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa waxa ay sheegeen in Saldhigyada la duqeeyay ay ku sugnayeen saraakiil Soomaali iyo Ajanib ka tirsan  Al-Shabaab

Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Danab ayaa waxa uu sheegay in Ku dhawaad 45 ay ku jiraan Saraakiil  lagu dilay weerarka duqeynta  sida ay sheegeen Saraakiisha Danab.

Saraakiisha ciidamada danab ayaa Magacyada saraakiisha lagu dilay weerarka ku kala sheegay Sida tan Abuu yuusuf Alsuuf oo la sheegay inuu kasoo jeedo dalka Lubnaan,Yaxye Aldhaalib oo heesta dalka Suudaan, iyo Abuu Xasan Xamsa oo Al-shabaab kaga soo biirey Kooxda Xuutiyiinta ka dagaalanta Dalka Yaman.

Si kastaba Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin weerarkaas ay Saraakiisha Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya ay sheegeen inay siwadajir ah u fuliyeen Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Mareykan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment