870 Views

Dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay shil gaari oo ka dhacay G/Nugaal

Dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay shil gaari oo ka dhacay G/Nugaal
____________________________________________________________________________

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay shil gaari oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dangoroyo oo ka tirsan gobolka Nugaal ee Puntland.

Inta la xaqiijiyey laba qof ayaa geeriyootay, hal kalena dhaawac ayaa soo gaaray, kadib markii uu xalay dadkaas gaari ay ku safrayeen.

Gaariga rogmaday oo ahaa nooca yar-yar ee raaxada ayaa waxaa saarnaa shan qof, kuwaas oo laba kamid ah ay bad-baadeen.

Sidoo kale Labada marxuum ee shilka ku geeriyooday mid ka mid ah ayaa ahaa askari ka tirsanaa ciidanka madaxtooyada Puntland, waxaana lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Xoreeye Gamboon.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post