945 Views

Jubbaland oo ka warbixisay Xaaladda degaanadii laga saaray Al-Shabaab

Jubbaland oo ka warbixisay Xaaladda degaanadii laga saaray Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 04, 2020—Taliyaha guud ee ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland Gen. Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa faahfaahin ka bixiyay Xaaladda degaano dhawaan Ciidanka Jubbaland ay kala wareegeen  Al- Shabaab ee ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

 

Taliyaha ayaa sheegay in nolosha dadka ay kuso noqotay sidii caadiga aheyd oo ay helaan dhamaan adeegyada aas-aasiga ah ee nolosha sida Waxbarashada Caafimaadka iyo Biyaha, Aminigoodana ay sugaan Ciidanka Dowlad goboleedka Jubbaland.

 

 

 

Deegaanada Cabdale Biroole, Buulo-gaduud, Yoontooy, Baarsanguuni, Wirkooy, Singalayr iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose ayaa kamid ah goobaha laga saaray Al-Shabaab.

 

Waxaa uu sheegay in goobaha kale ee weli gacanta ugu jira Al-Shabaab laga saari doono, islamarkaana Ciidanka Jubbaland ay qaadi doonaan howlgal ballaaran.

 

Taliyaha ayaa xusay in Ciidanka Jubbaland loo dhameystiray qalabkii ay kula dagaallami lahaayeen Al-Shabaab,islamarkaana Sanadkaan la xoreyn doono degaano badan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment