981 Views

Sawiro:-Raysulwasaare Kheyre oo soo afmeeray Rabitaankii Odayaasha Dhaqanka .

Sawiro:-Raysulwasaare Kheyre oo soo afmeeray Rabitaankii Odayaasha Dhaqanka .
____________________________________________________________________________

Dhuusemareeb  –January 1, 2020Kadib kulan galinkii dambe ee maanta ay yeesheen Odayaasha Dhaqanka Ceyr , Wasiirka Arimaha Guddaha , Xildhibaanada deegaanka ka soo jeeda iyo Raysulwasaaraha XFS ayaa Odayaasha la ogeysiiyay in uu socon waayay iskuday walba oo dowladu Ku dooneysay in lasoo badalo qaar ka mid ah Liiskii Xildhibaanada Ahlusunna ee Dhowaan lasoo saarey , Madaxda ayaa Odayaasha u sheegey in lajoogo waqtigii lagu raali noqon lahaa xubnaha Ahlusunna soo xushey .

 

kheyre ayaa sheegey in dhowr jeer oo madaxda Ahlusunna ay wada fariisteen uu Ku guul dareestay in laga aqbalo dalabkiisa maadaama madaxda Ahlusunna sheegtay in hadii xubnaha Qaar labadalo ay noqon kartp wado furanta oo beel walbo isku dayayso in ay dib u hesho Kursigeeda , Ugu dambeyn Raysulwasaaraha ayaa Odayaasha Ku bogaadiyay da’daalka ay Ku bixiyeen dhismaha Galmudug oo ay ka sii ahaan doonaan hormuud wali taladooda la qaadanayo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Dhusamareeb 

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment