474 Views

Deegaannada lahaysto ee Ukraine oo lagu qabanayo afti ay Ruushka ugu biirayaan

Deegaannada lahaysto ee Ukraine oo lagu qabanayo afti ay Ruushka ugu biirayaan
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 21, 2022

Mas’uuliyiinta ay Ruushku baritaaraan ee ku sugan saddex gobol oo Ukraine laga haysto ayaa waxa ay ku dhawaaqeen qorshe si degdeg ah afti halkaas loogaga qaadayo, kaas oo ay ku doonayaan inay ugu biiraan waddanka Ruushka.

Maamullada ka jira gobollada Luhansk, Donetsk iyo Kherson ayaa dhammaan sheegaya in codbixintu ay bilaaban doonto Jimcaha soo aaddan.

Arrintan ayaa waxa ay u muuqataa inay qeyb ka tahay qorshe ay Moscow riixayso oo ay ku dardargalinayso qabsashadeeda, xilli ay socdaan weerrarada rogaalceliska ah ee ay dhulka ballaaran dib ugu qabsadeen ciidammada Ukraine.

Dmitry Medvedev, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Kremlin-ka ee loogaga taliyo waddanka Ruushka, ayaa sheegay in deegaannadaas in lagu daro dalka ay Moscow u ogolaan doonto inay toos ugu ilaaliso sharcigeeda difaaca.

Ukraine ayaa ceeb ku tilmaantay aftidaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post