1044 Views

Koox hubeysan oo weerar ku qaaday goob ay ka dhaceysay xaflad aroos

Koox hubeysan oo weerar ku qaaday goob ay ka dhaceysay xaflad aroos
____________________________________________________________________________

Axad: October 31, 2021

Rag hubeysan oo isku magacaabay Taalibaan ayaa weerar ku qaaday aroos ka dhacayay bariga dalka Afgaanistaan ​​si ay u joojiyaan muusiga laga tumayay, waxaana halkaasi ku dhintay ugu yaraan 2 qof 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay saraakiishu sheegeen.

Afhayeen u hadlay Taliban ayaa sheegay in labo ka mid ah saddexda nin ee hubeysan la xiray balse waxa uu beeniyay in ay xubin ka yihiin kooxda islaamiga ah.

Muusigga ayaa la mamnuucay dalka markii ay Taalibaan la wareegtay talada wadanka sanadihii 1996 ilaa 2001,
Maamulka cusub ayaan wali soo saarin wareegtadan oo kale.

Goobjooge ayaa sheegay in afar lamaane ay isku guursadeen aroos wadajir ah oo Jimcihii ka dhacay degmada Surkh Rod ee gobolka Nangarhar,
Waxana ay fasax ka qaateen hoggaamiye Taalibaan ah oo deegaanka ah si loogu garaaco muusig la duubay meel ay dumarku isticmaalaan oo keliya.

Laakin saqdii dhexe ee xalay, dableyda ayaa xoog ku soo gashay gudaha goobta ay ka socotay xaflada arooska, waxayna damceen inay jabiyaan codbaahiyeyaasha, Markii ay diiden dadkii martida ahaa in la damiyo musiga balse nimankii hubaysnaa ayaa rasaas furay.

Office Nairobi Kenya


_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post