1374 Views

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhowr jiho kaga sii siqaaya magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo  dhowr jiho kaga sii siqaaya magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud
____________________________________________________________________________

Jimco: October 15, 2021

Ciidamada Dowladda iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa dhowr jiho kaga sii siqaaya magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, oo ay haystaan kooxda Ahlu-Sunna.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo odayaasha beesha degta Guriceel ay xalay sheegeen inay ku fashilmeen dhex-dhexaadin ay isku dayeen inay ku baajiyaan dagaal ka dhaca magaalada, ayaga oo eedeeyey hoggaamiyaha Ahlu-Sunna Sheekh Shaakir.

Odayaasha ayaa sheegay in Sheekh Shaakir uu diiday inuu ka baxo degmada Guriceel si looga baaqsado dagaal dhexmara ciidamada uu diyaarinayo maamulka Galmudug iyo kuwa taabacsan Sheekh Shaakir.

“Waxaa ka codsaneyn inuu magaalada ka baxo, meel ka baxsan uu tago anaguna aan markaas raadino in aan lagu soo duulin oo wada-hadal furmo intaas ayaa u sheegnay oo ka codsanay, arrinkaas isaga ah waqti badan ayuu qaata oo dood kulul ayaa na-dhexmartay oo wuxuu ku soo qatimay ka guuri maayo Guriceel,” ayuu yiri Oday kamid ah kuwa la hadlay warbaahinta.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Boqolaal askari oo ka tagay Magaalada Dhuusamareeb ayaa maalin ka hor gaaray deegaanka Ceeldheere, oo ku yaalla waddada xiriirisa Dhuusamareeb iyo Guriceel, iyadoona Xoogaga Ahlu Sunna la soo sheegayo in qaybtood ay aaggaasi ka ag-dhow yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogagii Ahlu Sunna ee 1-dii bishan la wareegay Magaalada Guriceel ay dhufeysyo waaweyn kaga jiraan bannaanada magaaladaasi.

Ciidamada ku sii jeeda Guriceel ayaa isugu jira Kumaandooska Gorgor, Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Nabad Sugidda Galmudug.

Tani ayaa baqdin ku keentay dadka degan Magaalada Guriceel, kuwaa oo qaarkood saaka bilaabay inay isaga barakacaan guryahooda.

Wada hadalada maalmihii ugu dambeysay laga dhex waday Maamulka Galmudug iyo Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa u muuqdo kuwo guuldareystay.

Gelinkii dambe ee Talaadadii ayay ahayd, markii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage uu gaaray Magaalada Dhuusamareeb. Taliyaha ayaa kulan saacado qaatay Xarunta Madaxtooyada Galmudug kula yeeshay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Taliye-yaasha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug.

Asad Cabdullahi Mataan 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post